Home . Kontakt . Impressum . Datenschutz . Newsletter . Intranet

Somali

Ka soo qeybgal doorashada!
Waxaa mar kale nagu soo food leh doorashada golaha wakiilada ajanibta bishuu-ka. 14-ka bishaa sadeexaad 2021 waa xiliga dib u doorashada
golaha wakiilada-ka, codkaagu wuxuu muhiim u yahay guusha mustaqbalkaaga.
Sidaas awgeed: ka qeyb qaado doorashada golaha wakiilada ajanibta -ka maalinta 14ka bisha sadeexaad 2021!

Golaha wakiilada ajanibta ka waxay sanado badan matalayeen Ajaniibta ku dhaqan gobolka Hessen, haddaba si ay sidaas ugu sii taagnaadaan dhiibo
codkaaga si sanadka soo socda ay shaqadooda u sii noqoto mid dhaxal gal ah.
Sidaas awgeed: 14a bishaa sadeexaad waa maalinta aad codkaaga dhiiban laheyd!
Waxay quseysaa Danahaaga!

Dowladda hoose iyo Qofka aan heysan Dhalashada Jarmalka
Golaha wakiiladaa ajanibta-ka

  • Waxay matalaan danaha Dadka Ajaanibta ah.
  • Waxay ku xiran yihiin dowladda hoose iyo go’aanadeeda.
  • Waxay bixiyaan talooyin iyo tusaale
  • Waxay u istaagaan is dhexgalka iyadoon loo eegeyn jinsiyadaha.

Ka hor tagidda Cunsuriyeynta
Golaha wakiilada ajanibta

  • Waxay qabtaan siyaasad hoose oo ay kaga hor istaageyso Cunsurinimada (Midab-takoorka...).
  • Waxay u istaagaan Dulqaadka iyo kartida shacabka (Zivilcourage).
  • Waxay heegan u yihiin oo ay ka soo horjeedaan xag jiriinta neceb ajaanibta iyo falalkooda qatarta ah.

Buundada u dhaxeysa Qaxootiga, Jaaliyadaha, Xafiiska Dowladda iyo Siyaasadda!
Golahawakiilada ajanibta

  • Waxay caawiyaan oo talo siiyaan qaxootiga cawinaadda u baahan.
  • Waxey aad ugu dadaalaan in la fuliyo codsiyada jaaliyadaha ajnabiga ah.
  • Waxey u istaagaan wax walba oo ku saabsan aqoonta iyo waxbarashada.
  • Waxey qabanqaabiyaan xafladaha iyo barnaamijyada siyaasadaha.

Sidaas darteed adiga oo eegaya qodobada faa´iidooyinka badan ee kor ku xusan, ka qeyb qaado doorashada maalinta 14ka bishaha sadeexaad 2021!

Doorashadu way fududahay!
Waxaad ka qeyb gali kartaa doorashada haddii aad tahay Ajnabi (European ama aan wadankaaga la aqoonsaneyn) kana weyn tahay 18 sano iyo haddii aad dagan tahay muddo ka badan 6 toddobaad guriga aad dagan tahay.
Asbuucyo ka hor doorashada waxaad heli doontaa Warqadda codeynta. Waxaa warqaddaas ku qoran meesha aad u doorasho tagi laheyd si aad codkaaga u dhiibato maalinta 14ka bishaa sadeexaad 2021 inta u dhaxeeso 8:00 am ilaa 6:00 pm.
Dadka u tartamaya Xilka doorashada waxaad ka ogaan kartaa xarunta xaruunta golahawakiilada -ka ee magaaladaada ama barta warbixinada Internetka.

Warbixin ku saabsan doorashada xitaa luqaddaada hooyo waxaad ka heli kartaa page-ka internetka ee ah: www.auslaenderbeiratswahl.de

14ka Maarso 2021: Codkaaga waa Muhiim! Waxaa daruuri ah ka qeyb qaadashada doorashada iyo faafinteeda!



Listenkreuz

Die Erläuterungen sind derzeit nicht auf somali erhältlich. Für deutsch klicken Sie bitte » hier.


 

Kumulieren

Die Erläuterungen sind derzeit nicht auf somali erhältlich. Für deutsch klicken Sie bitte » hier.


 

Panaschieren

Die Erläuterungen sind derzeit nicht auf somali erhältlich. Für deutsch klicken Sie bitte » hier.


Kombinieren

Die Erläuterungen sind derzeit nicht auf somali erhältlich. Für deutsch klicken Sie bitte » hier.


Wenn in Ihrer Stadt/Gemeinde/Landkreis nur eine Liste kandidiert

Die Erläuterungen sind derzeit nicht auf somali erhältlich. Für deutsch klicken Sie bitte » hier.