Somali

Ka soo qeybgal doorashada!

Waxaa mar kale nagu soo food leh doorashada Ausländerbeirat-ka. 29-ka November 2015 waa xiliga dib u doorashada Ausländerbeirat-ka, codkaagu wuxuu muhiim u yahay guusha mustaqbalkaaga.
Sidaas awgeed: ka qeyb qaado doorashada Ausländerbeirat-ka maalinta 29ka November 2015!

Ausländerbeirat-ka waxay sanado badan matalayeen Ajaniibta ku dhaqan gobolka Hessen, haddaba si ay sidaas ugu sii taagnaadaan dhiibo codkaaga si sanadka soo socda ay shaqadooda u sii noqoto mid dhaxal gal ah.
Sidaas awgeed: 29ka November waa maalinta aad codkaaga dhiiban laheyd!
Waxay quseysaa Danahaaga!

Dowladda hoose iyo Qofka aan heysan Dhalashada Jarmalka
Ausländerbeirat-ka

  • Waxay matalaan danaha Dadka Ajaanibta ah.
  • Waxay ku xiran yihiin dowladda hoose iyo go’aanadeeda.
  • Waxay bixiyaan talooyin iyo tusaale.
  • Waxay u istaagaan is dhexgalka iyadoon loo eegeyn jinsiyadaha.

Ka hor tagidda Cunsuriyeynta
Ausländerbeirat-ka

  • Waxay qabtaan siyaasad hoose oo ay kaga hor istaageyso Cunsurinimada (Midab-takoorka...).
  • Waxay u istaagaan Dulqaadka iyo kartida shacabka (Zivilcourage).
  • Waxay heegan u yihiin oo ay ka soo horjeedaan xag jiriinta neceb ajaanibta iyo falalkooda qatarta ah.

Buundada u dhaxeysa Qaxootiga, Jaaliyadaha, Xafiiska Dowladda iyo Siyaasadda!
Ausländerbeirat-ka

  • Waxay caawiyaan oo talo siiyaan qaxootiga cawinaadda u baahan.
  • Waxey aad ugu dadaalaan in la fuliyo codsiyada jaaliyadaha ajnabiga ah.
  • Waxey u istaagaan wax walba oo ku saabsan aqoonta iyo waxbarashada.
  • Waxey qabanqaabiyaan xafladaha iyo barnaamijyada siyaasadaha.

Sidaas darteed adiga oo eegaya qodobada faa´iidooyinka badan ee kor ku xusan, ka qeyb qaado doorashada maalinta 29ka November 2015!

Doorashadu way fududahay!
Waxaad ka qeyb gali kartaa doorashada haddii aad tahay Ajnabi (European ama aan wadankaaga la aqoonsaneyn) kana weyn tahay 18 sano iyo haddii aad dagan tahay muddo ka badan 3 bilood guriga aad dagan tahay.

Asbuucyo ka hor doorashada waxaad heli doontaa Warqadda codeynta. Waxaa warqaddaas ku qoran meesha aad u doorasho tagi laheyd si aad codkaaga u dhiibato maalinta 29ka November 2015 inta u dhaxeeso 8:00 am ilaa 6:00 pm.

Dadka u tartamaya Xilka doorashada waxaad ka ogaan kartaa xarunta Ausländerbeirat-ka ee magaaladaada ama barta warbixinada Internet-ka.

Warbixin ku saabsan doorashada xitaa luqaddaada hooyo waxaad ka heli kartaa page-ka internetka ee ah: www.auslaenderbeiratswahl.de


29ka November 2015:
Codkaaga waa Muhiim! Waxaa daruuri ah ka qeyb qaadashada doorashada iyo faafinteeda!

nach oben

Voting for a list

nach oben

Multiple voting

nach oben

Mixing

nach oben

Combined voting

nach oben